Taariikhdii hore ee Banadir: Xaqiiqada Qarsooneyd
Taariikh Kooban: BA.MA. Abdiaziz Omar FUNSI
FUNSI waa akhoonyahan Soomaaliyeed oo leh khibrad dheer oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan Maamulka, Dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Waa akhoonyahan Somaali Banaadiri ah, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, waxaa uu baaritaan iyo daraasaad ku sameeyay taariikhda reer Banaadiriga.
Waa cilmifaafiye caan ah oo ka soo shaqeeyey Jaamacadaha Lafoole iyo Gaheyr, isagoo ka qayb qaatay tarbiyadda jiilal badan oo aqoonyahanno Soomaaliyeed ah.
Waxaa uu Xubin k- asoo noqday Ururkii Dhalinyarada, Maamulkii hore ee Wasaarada Lacagta.
Waxaa uu lataliye iyo tababare sare ka- soo noqday Machadka SIDAM (Somali Institute for Development Administration and Management) oo aheyd xaruun muhiim tababarka iyo kor u qaadidda Xirfadaha Maamulka iyo Shaqaalaha Dawladda.
Waxaa uu la- shaqeeyaa Hay’adda BAMF ee qaabilsan arrimaha Socdaalka iyo isku xirka bulshada Muhaajiriinta Jarmalka. Waxaa uu haystaa shahaadooyinka BA iyo MA, kuwaas oo uu ku takhasusay culuumta Maamulka, Dhaqaalaha Dadban, Barbaarinta iyo horumarinta bulshada.
Intaa waxaa dheer, oo uu ahaa cilmi-faafiye caan ah kaasi oo uu ka- soo shaqeeyey jaamacadaha Lafoole iyo Gaheyr, isaga oo ka qayb qaatay tarbiyadda ama barbaarinta jiilal badan oo akhoonyahanno Soomaaliyeed ah.
Mudane Abdiaziz Omar FUNSI, waxa uu si- qoto dheer ugu lug lahaa barnaamijyada cilmi-aarista, waxbarashada, iyo dib u- dhiska kartida maamulka ee Soomaaliya, waxaa uu caan ku ahaa dadnimo, karti, iyo himilo qaran oo wax ku ool ah.